Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanata degmada Baraawe ku qabtay doorashada Todoba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kamid ahaa 13-kii kursi ee ugu dambeeya ee doorashadooda lagu qabanayomagaalada Baraawe.
1:Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.
2:isaaq Maxamed Maxamuud ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163 ee Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 86-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Cismaan Ibraahim uu heley 10-cod afar Cod ayaa halaabay
3:Ali Shekh Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11-cod.
4:Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod.
5: calwiya Siid Cabdulaahi ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-148 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10-cod
6: Maxamed Cusmaan Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162 ee Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Daliib Xasan uu heley 17-cod afar codna way halawaday
7:Maxamed Cabdala Axmed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod
Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooranayaa 6 kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi