Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Kullanka Labada Madaxweyne ayey kaga Wada hadleen Xasilloonida gobolka iyo Xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda ka Dhexeeya.
Xasan Sheekh ayaa Sidoo kale la wadaagay Madaxweyne Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya Ee ku Aadan kacdoonka Looga Soo Horjeedo AS.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalinnimadii shalay,
Dhanka Kale Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa Carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.