Waxaa la Soo gabogabeeyay shirkii gaarka ahaa Ee Miiska_Gorfeynta_Marxaladda_Soomaaliya ay ka soo qeyb galeen Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin hay’adda Lagacta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur ayaa ka qeyb galayaashii shirka la wadaagay dadaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda,
Sidoo Kale Wasiirka ayaa ka hadlay Sida Dowladdu u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahnaa Saaxiibada caalamka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mohamoud Nur ayaa xaqiijiyay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee dhinac socday shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka