Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur( Madoobe) ayaa gellinkii dambe Ee Shalay gaaray Caasimadda Luxembourg City ee dalka Luxembourg,
Golaha Wakiilada Baarlamaanka Luxembourg Mudane Fernand Etgen ayaa Wafdiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyey Luxembourg,
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalka Luxembourg Mudane Fernand Etgen, Soo dhaweyntiisa waxa uuna sheegay inta uu ku suganyahay dalkan uu kala hadli doono horumarinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.