Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir,
Magacaabista Xilalkan ayaa timid kaddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha Sommaaliya ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyayaasha uu magacaabay inay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xeerkan Madaxweyne Oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022.