Mareykanka Oo isku arkayay wadanka ugu awooda badan caalamka ayaa iminka wajahaya in taasi aaney jirin balse loolanka xagga quwadda lala wadaago.
Warbixin uu soo saaray Maraykanka ayaa lagu sheegay in dalka Shiinuhu uu yahay halista ugu sarraysa ee danaha Maraykanka,
Warbixinta ayaa lagu yiri” Shiinuhu Wuxuu awood u leeyahay inuu Maraykanka kula tartamo dhaqaale ahaan, millateri ahaan iyo diblomaasiyad ahaan.
Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.
Balse Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imaanaya laba quwadood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, kuwaas Oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000 halka uu haatan gaarsiiyey 100,000.
Sanadka 2023 Ee foodda innagu soo haysa Mareykanka ayaa sare u qaadi doonno dhaqaalaha uu ugu talagalay miisaaniyad sannadeedkaasi waxaana la sheegayaa in lacag ka badan $130 bilyan oo dollar loogu talo galay in loo isticmaalo cilmi-baadhis iyo horumarin, tasoo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee abid uu Maraykanku u qorsheeyo dhinaca horumarinta iyo cilmi-baadhista.
Waxaana horumarin ballaaran lagu sameeyn doonnaa dhinaca teknoolojiyadda casriga ah illaa hubka kala duwan.