Taliye ku xigeenka booliiska magaalada Kasarani Anthony Mbogo ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 200 oo Taleefanada shaashada kuwaas oo siyaabooyin kala duwan loo soo xaday,
Wuxuu yiri taliye Anthony Mbogo waxaan sidoo kale ku guuleysanay ineynu gacanta ku soo dhigno nin looga shakisanyahay inuu kamid yahay tuugada taleefanada soo xaday kaas oo markii laamaha amaanka ay qabteen geeyay meel ay taleefanada ku raseesnaayeen
Ninka tuhunsanaha oo magaciisa lagu sheegay Antony Orlando iyo sidoo kale 12qofood oo kale ayaa iminka ku jira gacanta laamaha amaanka dalka keynya,
Inta badan ciidamada Booliiska dalka keynya ayaa baacsada kooxo burcad ah oo siyaabooyin kala duwan dhac ugu geysta gudaha magaalooyinka dalkaasi,