Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso xumaddii ka jirtay deegaanada Somaliland,
Liibaan Yuusuf Cismaan oo la hadlayay laanta afka soomaaliga Ee VOA ayaa sheegay inay hoos u dhaceen kiisaska dadka uu soo ridanayay xumadda,
Wuxuu yiri wasiir ku xigeenka weynu la tacaalnay dadkana waxaanu siinay talooyin caafimaad innaga oo buufinaya deegaanka iyo goobaha dhirta ku badan tahay sidaa aawadeed haatan xaalka xumadda waa mid sii yaraaneysa,
boqollaal ruux ayaa kalhore goobaha caafimaadka loo dhigay halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen xumaddan oo ka dillaacday magaalada hargeysa iyo deegaanada ku hareereysan dhowr bilood kahor balse hadalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee soomaliland ee sheegaya inay hoos u dhacday kiisaska la xariira xumadda ayaa dad badani ay u riyaaqi doonaan maadaam ay ka baqdin qabeen inuu haleelo.