Xilli uu ku gudo jiray waan waan uu ka dhexwaday maleeshiyo beeleed maalmihii u dambeeyay ku dagaalamayay deegaano hoostagga degmada Cadalle ayaa waxa uu ku waayay noloshiisii.
Nabadoon Muqtaar Axmed Xasan waxa uu kamid ahaa nabadoono dhawaan ku baxay sidii loo xalin lahaa colaad beeleed mudooyinkii dambe ka socday deegaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka sh/Dhexe,
In colaadda la joojiyay waa ay ku guuleysteen nabadoonadu uu qeybta ka ahaa Alle ha u naxariistee nabadoon muqtaar balse shalay gellinkii dambe ee shalay iyada oo weli howshii nabadeynta ay socoto ayaa maleeshiyo kamid ah maleeshiyo beeleedkii uu waan waanta ka dhexwaday ku dishay goobta,
Geerida nabadoonka oo aad u gilgishay guud ahaan quluubta bulshadda soomaaliyeed gaar ahaan reer shabeelada dhexe ayaa waxaa durba k atacsiyadeeyay ugaasyada iyo duudabka dhaqanka soomaaliyeed,
Ugaas Maxamuud cali Ugaas oo qeyb ka ah ugaasyada ku sugan isla degmada cadalle una baxay nabadeynta maleeshiyo beeleedka ayaa ka hadlay geerida Nabadoonka isagoona tilmaamay inuu Nabadoon Muqtaar uu dhintay isaga oo camal wanaagsan sameynaya oo ah nabadeynta dad walaalo ah oo dagaalamaya,
See insights and ads
Like
Comment
Share