Labo Haamood Oo waaweyn islamarkaana la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caariyay meel aan sidaa kaga fogeyn Xeebta Degmada Warsheekh Ee gobolkia sh/dhexe dowlad goboleedka Hirshabelle,
Haamanka ayaa afka ka xeran waana kuwa Daxaleystay sida sawiradooda laga dheehan karo,Waxaase loo malaynayaa iney ku jiraan haraaga sunta iyo kiimikada Warshadaha maadaama inta badan dalalka reer galbeedka ay ku soo daadiyaan xeebaha dalkeena,
Dadka degmada Warsheekh ayaa ka cabsi qaba in Haamanku ay dilaacaan ama neefsadaan taasoo keeni karta dhibaato caafimaad oo ka soo gaarto dadka deegaanka.
Hey’addaha qaabilsan ilaalinta badqabka deegaanka ee dowladda federaalka soomaaliya ayaanan weli soo bandhigin qorsho cad oo ay kaga hortageyso ilaalinta bedqabka deegaanka gaar ahaan haamanka inta badan ku soo caariya xeebaha dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Soddonkii sano Ee ugu dambeeyay Xeebaha Somalia ayaa dhibane u ahaa maraakiibta shisheeye kuwaas oo ku soo daadinaya haraaga sunta warshadahooda. halka ay barbar socoto maraakiib si sharci daro ah kaga kaluumeysata Xeebaha barwaaqada ay Ceegaagto Ee dalku leeyahay,