Kullan galabta ka dhacay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa xilalka ku kala wareegay Agaasime Ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan iyo Agaasimihii hore,
Kullankan waxaa Shir-guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali,
sidoo kale waxaa kullanka goobjoog ka ahaa Saraakiisha Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.
Waxaana ugu dambeyn shaqadiisa lagu wareejiyay Agaasime Ku-xigeenka cusub ee Madaxtooyada. Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan kaas oo xilkaasi uu Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay
26 October 2022