Dhaqdhaqaaqa hubeysan Ee Ururka Talibanta Pakistan loona yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa gudaha dalka pakistaan kaga dhawaaqay inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan,
Waxeyna go’aankooda dagaalka ay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri dowlada Pakistan ay ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas dhaca.
Nuqul ka mida qoraalka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan oo dagaalyahanadeeda u marisay dhinaca warbaahinta ayaa lagu wargeliyay dhammaan qeybaha kala duwan Ee dagaalyahanada kooxda inay weeraro ka geysan karaan meel kasta oo suurogal ah”
Qaramada Midoobay iyo dowladda Maraykanaba ayaa kooxdaan horay ugu daray liiska argagixisada, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan.
Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee TTP ayaa 2007 soo shaac baxay iyadoona tan iyo xilligaas ay sheegteyn mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kuwaas oo ay ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan.