Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka sh.dhexe ayaa sheegaya in xalay tuulada Xaluula Ee hoostagta degmada Warsheekh dil wadareed loogu geystay dad hal qoys ka soo jeeda.
Dilka ayaa waxaa fuliyay maleeshiyo beeleed hubeysan iyagoona gudaha gurigooda ku laayay qoyskaan oo ka koobnaa gabar magaceeda lagu sheegay Safiya Sheekh Abuukarow wiil 10jir ah iyo Ayeeyadooda.
Waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyo beeleedka weerarka geystay,
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka sh.dhexe ee dowlad gobolleedka Hirshabelle waxaa mudooyinkii dambe ka taagnaa dilalka la xariira aanooyinka qabiilka kaas oo ay geysanayaan maleeshiyaad hubeysan,
Iyadoona ay ugu dambeysay dil toogasho ah oo degmada Cadale loogu geystay toddobadkii hore mid kamid ah nabadoona ka soo jeeda gobolkaasi kaas oo ku baxay nabadeynta beelo walaalo ah oo ku dagaalmayay deegaano hoosyimaada degmada Cadale.