Howlgal ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Basra iyo Sabyo Ee Gobolka shabeelaha dhexe ayna fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay mid kamid ah dagaal yahanada Alshabaab.
Waxaana sidoo kale inta howlgalkaasi uu socday ay shaacisay dowladda soomaaliya inay gacanta ku soo dhigeen labo xubnood oo ka mid ah kooxda Alshabaab,
War qoraal oo lagu baahiyay baraha bulshada Ee Dowladda Soomaaliya ay maamusho ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen laamaha amaanka soomaaliya xubnahaan alshabaabka oo ku howlanaa sameynta falal amni daro ah islamarkaana ay ku baxeen Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya