Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomisay Kulanka 11aad guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Waxaa Kulanka looga hadlayay Ka warbixinta xeer hoosaadka Golaha, Iyadoona kulanka warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka Mudane Abdisamad Macalin Maxamuud.
Guddoomiyaha guddiga Xeer-hoosaadka ayaana sheegay in la soo gabagabeeyay diyaarinta Xeer-hoosadka Golaha,
Dhanka kale waxaa kulanka warbixin Iyana lagaga dhagaystay labada guddi ee Amniga iyo Difaaca kaas oo looga hadlay Amniga Xildhibaannada iyo xasaanadooda. Waxeyna sheegeen inay soo diyaariyeen warbixinta una gudbiyeen guddoonka isla-markaana kulanka soo socdo la hor-keeni doono Guddiga Joogtada.