Xaflad Aad u heer sareysa Oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda gaar ahaan waaxda shaqaalaha iyo tababarada ayaa maanta ka dhacday gudaha hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Xafladda ayaa waxaa loo qabtay Arday gaareysa 136 arday islamarkaana dhameystay waxbarashada umulisannimada heerkeeda sare kaas oo ay soo agaasintay wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda gaar ahaan waaxda shaqaalaha iyo tababarada.
Sidoo kale Xafladda waxay wasaaradda caafimaadka ku daah-furtay manhajka cusub ee umulisooyinka.
Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Caafimaadka, wasiiro, xildhibaano, hay’addaha , UNKA gaar ahan UNFPA, Deeq bixiyaasha barayaasha jaamacadaha dalka iyo qaar kamid ah maamulada , isbitaalada Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.