Inta la xaqiijyay waxaa dhintay labo ruux oo ahaa wiil iyo aabihii halka saddex kalena dhaawacyo ay soo gaareen kadib markii dad rayid ah oo gaari rakaab saarnaa rasaas ooda looga qaaday.
Weerarkan oo loo maleynayo iney geysteen xubno ka tirsan dagaalyahannada al Shabaab ayaa shalay aroortii ka dhacay inta u dhexeysa Jabibar iyo Bamboo oo dhacda waqooyiga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi Kenya.
Gaari uu noociisu ahaa Landcruiser islamarkaana marayay wadada Rhamo Ceel waar, ayaa la xaqiijinayaa in mar qura rasaas ooda looga qaaday iyadoona durba weerarkaasi ay ku dhinteen Aabbe iyo Wiilkiisa, halka lagu dhaawacay saddex ruux oo kale oo rakaabka gaariga kamid ahaa.
Onesmus Kyatha oo ah gudoomiyaha degmada Mandheera ayaa warbaahinta u xaqiijiyay weerarkan iyo khasaarihiisa wuxuuna guddoomiyuhu cadeeyay in wadihii gaariga uu diiday inuu u istaago kooxdan hubeysneyd sidaa daraadeedna ay rasaaseeyeen,
Waxa uu ku soo aadayaa weerarkaan xilli xukuumadda nairobi ay ka walaacsan tahay in dagaalyahanada shabaabka ee soomaaliya iney saldhigyo ka sameystaan gudaha keynya maadaama deegaano badan oo gudaha soomaaliya laga soo saaray.
