Nin hubeysan ayaa goordhaw Xerada Daraawiishta Ee Magaalada Beledweyne ka fuliyay weerar toogasho ah isagoona goobta ka baxsaday weerarka kadib.
Sida ila wareedyo deegaanka ay U xaqiijiyeen Warbaahinta RBN Ee Magaalada Muqdisho hal askari ayaa toogasho lagu dilay halka mid kalena la dhaawacay kadib markii nin hubeysan uu weerar gaadmo ah la eegtay askartaasi oo ku sugnaa xerada daraawiishta oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada beledweyne.
Ruuxa dilka geystay oo aan la ogeyn waxa uu yahay ayaa horay u sii qaatay askariga uu dilay qorigiisa isagoona goobta ka baxsaday.
Halka askariga kale ee uu dhaawaca u geystay loola xarumaha caafimaadka ee magaalada,
Amniga magaalada Beledweyne ayaa mudooyinkii dambe soo hagaagayay tan iyo markii kooxda Alshabaab weeraro qaraxyo ah ay ka geysteen xarunta maamulka hirshabelle ee magaalada Beledweyne Ee Lamagalaay, Iyadoona weerarkaasi kadib feejignaan dheeri ah ay sameeyeen ciidamada amaanka iyo kuwa booliska Ee magaalada.