Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Ku-simaha Madaxweynaha Somaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada degmada Xudur ayaa xalay kulan ay kaga wada hadlayeen dagaalka Alshabaab kuyeeshay Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab kadib markii uu dhageystay dhibaatooyinka badan ee bulshada degmada xudur kala kulmaan kooxdaasi,
Wuxuuna xusay in Dowladda diyaar u tahay ka qeybqaadashada xorreynta iyo taageerada dadka deegaanka si deegaanadooda ay u xureystaan,
Sidoo kale Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u balanqaaday bulshada reer Xudur in la hirgelin doono adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.
Kulankan dhexmaray bulshada degmada Xudur iyo Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku soo aadaya xilli safar uu ku joogo guddoomiyuhu magaaladaasi.