Mudane Maxamed Isxaaq Abdi Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Koonfur Galbeed ayaa soo saaray awaamiir adag oo dhinaca amniga ah.
Wasiirka ayaa faray dhammaan ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee ku sugan magaalada beydhabo inay xeryahooda ku sugnaadaan oo aan ka soo bixi karin.
Sidoo kale waxaa la faray Ciidamada daraawiishta booliiska koonfur/galbeed inaaney iyaga oo aan sidan dareeska lagu yaqiinay oo hub sita aysan magaalada u soo bixi karin.
waxaana qoraalka uu soo saaray wasiirka ku sheegay in cidii jebisa awaamiirta in talaabo adag oo dhinaca sharciga laga qaadi doonno.
Sidoo kale waxaa amaro la dul dhigay dadka rayidka ah ee hubka ku heysta gudaha magaalada.