Sida warar kala duwan ay inagu soo gaarayaan waxaa muddo maalmo ah lagu la’yahay xeebaha puntland koox kalluumeysato ah iyo doontii ay saarnaayeen.
Kalluumeysatadaan ayaa ka baxay maalinnimadii Sabtida aheyd marsada Caluula iyaga oo ku sii jeeday dalka Yaman.
Doontaan oo uu lahaa muwaadin soomaaliyeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in war iyo wacaal aan toonna u aheyn shaqaalihii doontiisa kaga shaqeynayay badda,
Gacanka Guardafui ee Puntland marar badan waxaa lagu waayay doomo kalluumeysi iyo raggii shaqaalaha ee saarnaa iyadoona qaarkood mar dambe lagu guuleystay in warkooda la helo,