Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka degmada Xamar Jajab loogu geystay mas’uul ka tirsanaa gobolka Sh.hoose.
Sida wararku tilmaamayaan, guddoomiye ku xigeenkii
maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow ayey kooxo hubeysan ku dileen nawaaxiga isgoyska Ceelgaabta oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in marxuumka rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, isagoo isla goobta ku gereriyooday, meydkiisa ayaa daqiiqado badan yaalay halka dilka uu ka dhacay.
Mid kamida qoyskiisa oo warbaahinta gudaha la hadlay waxa uu dowladda ka codsaday iney cadaalad horkeento kooxihii ka danbeeyay toogashadan.