Taliyaha Laanta nabad galyada wadooyinka DPL G/sare C/Fataax Siciid Sulaymaan korneyl (African) ayaa xilkii u kala wareejiyey Taliyihii Horre Laanta Ciidanka Wadooyinka Gobolka Sanaag Dhame Siciid Xasan (Dhabayaco) iyo Taliyaha Cusub ee laanta nabad nabad galyada Wadooyinka Gobolka Sanaag L/xidigale Maxamuud Cali maxamed.
Munaasibada Xilwareejinta Masuuliyiintan waxaa Goob Joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ,
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag iyo Masuuliyiin kale.G/sare C/Fataax Siciid Sulaymaan korneyl (African) ayaa umahad celiyay Taliyihii hore shaqada wanaagsanayd oo uu soo qabtay isagoo alle uga baryay in uu xilkan ufududeeyo Taliyaha Cusub,
Taliyaha ayaa bulshada gobolka Sanaag kacodsaday in ciidanka lashaqeeyaan una hogaan samaan amarada ciidanka Nabad galyada wadooyinka.