Waxaa sii kordhaya tirade askarta ku geeriyootay qarax Ismiidamin ahaa oo aroortii hore ee saaka ka dhacay gudaha xerada Kuliyada Jaale Siyaad eek u taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo waxey sheegayaan in qaraxan oo uu fuliyay ruux watay jaakad ay ka buuxaan walxaha qarxa uu beegsaday ciidankan xili ay ku jireen safaf dhaadheer oo lagu tirakoobayay, iyagoo Muqdisho usoo gaaray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa.
Saraakiil ciidan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhimashada ay ka badan tahay 25 askari, halka dhaawaca uu ku dhow yahay 60 ruux, iyadoo Ismiidaamiyaha la sheegay inuu kamid ahaa askarta feylka ku jirtay.
C/rixiin Muunye oo ah taliyaha ciidanka 14-ka October ee magaalada Marko oo askarta ugu badan ay ka dhinteen ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney qabaan tuhunka ah in weerarkan oo ay Shabaab sheegatay lagala shaqeeyay, isagoo sheegay in si gaar ah loo beegsaday ciidankan oo dhamaantood hal beel ahaa askarta dhimatay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadan la isku qarxiyay uu u socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, balse weerarka uu dhacay daqiiqado kahor inta uusan taliyaha tagin xerada.