Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed , kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay , loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan.
Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan.
“Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay.
“Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yiri Abiy, isaga oo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo ku yaalla Eritrea oo waqtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya.
Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dalkiisu hadda uu isticmaalo dekadda Jabuuti, oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaasho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso labada.
“Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo dowladaha Afrika dhammaantood hadday yiraahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabad-galyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, ha inoo sheegaan waan qaadanaynaa waana iska deynaynaa arrintaa badda,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray, “Annagu waxaanu leenahay aynu wada-hadalno, wada-hadal ayaanu wax ku rabnaa. 2030-ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaaraysaa illaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaasi oo dad ah si aysan dhibaato ugu imaan oo aysan ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan.”
Inkasta oo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, haddana Abiy Axmed ayaa waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya aysan dagaal iyo colaad ku rabin badda, ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan.
Si kastaba, Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan.
Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday.