Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafadaha qaar ee degmadaasi oo ku fatahay wabiga shebeelle oo dhexmara degmadaasi.
Xafadaha Bogabeyso,Indhaceel,Wadajir iyo Xajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday Biyo aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inuu fatahaad hor leh uu ka sameeyo wabiga xafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligod biyo gaarin.
Buundada degmada Buuloburde ayaa halis ugu jirto in ay go’do madaama Biyaha buux dhaafiyeen, waxaana shacabaka ay isticmaalayaan Doomama Matoorka ah.
Wakiilwareedka Warbaahinta Qaranka ee Buulabarde ayaa soo warinayo in gudaha magaalada uu ka bilowday barakac aad u baahsan oo ay sameynayaan dadka deegaaanka, kuwaas deegaansanaya dhulka taagga ah si ay fataahada uga bad badan
Wabiga shabeelle ayaa sidaan oo kale waxa uu fatahaad uga sameeyay Magaalada Beledweyne,halkaa oo ay ka barakaceen inta badan dadkii daganaa,sidoo kale gobolada Gedo Baay iyo Bakool ayuu wabiga ku fatahay waxaana dhammaan degaanada ka jiri xaalado adag