Ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadi shalay marki ugu horreysay hor yimi maxkamad, si uu u wajaho eedo musuq maasuq oo in muddo ahba loo heystay.
Netanyahu, oo 75 jir ah ayaa noqday ra’iisul wasaarihi ugu horreysay oo Isra’ili ah oo maxkamad lasoo taago isaga oo xafiiska jooga.
Wuxuu sheegay, in dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwo isaga si gaar ah loogu maagayo, gaar ahaan siyaasadihiisa dhinaca amniga.
Maxkamadeyntiisa ayaa kusoo aadday, xilli Isra’il wali dagaal ka wado Marinka Gaza, kaas oo uu amray Natanyahu kaddib duullaankii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il, todobadki bishi October ee sannadki 2023-ki.
Todobaadki hore, garsoore maxkamadeed ayaa amaray in Natanyahu uu todobaadkiiba saddex jeer maxkamadda ka marqaati furo, taasi ku qasbeysa in uu u dhaxeeyo maxkamadda iyo qolka dagaalka ee wasaaradda difaaca Isra’il.
Netanyahu ayaa lagu soo oogay saddex kiis oo mid ka mid ahi yahay in uu hadiyado ka qaatay rag maal qabeen ah, taas oo ay ku baddasheen in waqti fiican laga siiyo qalabka warbaahinta si sumcaddooda loo dhiso.
Eedahaasi iyo kuwa kale ee musuq maasuqa ayuu dhammaantood dafiray Natanyahu.