Siyasi Guuleed Saalax Barre ayaa xukumada maamulka puntland ku eedeyay inay tacadiyo kula kacday dhalinyarada gobalka mudug oo cabsho ka qaba tacadiyo iyo dayacaad
Tacaddiga iyo xarigga laamaha Amniga Puntland ay kula kaceen dhallinyarada ka abaabulayey isusoo-baxa nabadeed magaalada Gaalkacayo waa fal ka soo horjeeda qodobbada 14 iyo 24-aad ee Dastuurka Puntlandโ ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax oo warsaxaafadeed ka soo saaray xarigga dhalinyaradaasi.
Guleed Saalax oo baaq deg deg ah u jeediyay Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday in uu sida ugu dhakhsaha badan u sii daayo dhalinyaradaasi oo uu ku tilmaamay kuwa u af-duuban xukuumadds Siciid Deni, waxaana uu ka digay in dhalinyarada tabashadooda lagu cabburiyo xarig iyo af-duub, halkii laga xallin lahaa.
โQodobbadaas oo si buuxa u damaanad qaadaya xorriyadda hadalka, abaabulka iyo ka qeyb qaadashada bannaan-baxyada nabadeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Deni in uu degdeg u sii daayo dhallinyarada u afduuban.โ
โWaxaa nasiib darro ah in dhallinyaradii u kacay duruufaha adag ee ka jira deegaankooda loogu abaal gudo xabsi iyo caburin, halka la xallin lahaa tabashada jirta ee arrimaha nolasha, shaqo abuurka iyo awood siinta maamul ee dhallinyaradaโ ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax oo baaqaasi u diray Madaxweyne Deni.