Sarakiisha cidamada puntland ayaa shaciyay xogta salka katirsan koxda dacish oo lagu qabtay howlgalka calmiskaad.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo shaaciyay xogtan kooban ayaa si rasmi ah u soo bandhigay magaca iyo dalka uu ka soo jeedo argagixiyahan ka tirsanaa Daacish oo lagu qabtay hawlgal ciidanka difaaca Puntland ka sameeyay togga Baallade (Calmiskaad).
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in argagixiyahaasi uu ka soo jeedo dalka Turkiga, waxaana ay magaciisa ku sheegeen Xasan Atar, sida ku xusan bayaan uu soo saaray Xafiiska, balse ma bixin faahfaahin intaasi ka baxsan oo ku saabsan argagixiyahaasi.
“Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee hawlgalada ka wada Calmiskaad, waxay soo bandhigeen xubin ka tirsan firxadka Argagixisada Daacish oo ay ku qabteen hawlgaladii u danbeeyay, ninkan oo u dhashay Turkiga ayaa ku sheegay magaciisa Xasan Atar” ayuu yiri Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.