Maamulka puntland oo qilaf kala dhexeyo dawlada uu madaxweynaha kayahay xasan sheikh maxamud aya shegtay in dawlada Somalia ay besha calamka ka amin baxeen.
Wassiirka war faafinta puntland oo war baahinta kulahadlay magalada garoowe ayaa yiri.
Beesha Caalamku maalin walba waa ka deyrinayaan Xasan Shiikh oo waxay lee yihiin waa ku khasaarnay, waan ka guuraynaa laguma kalsoonaan karo xog sirdoon laguma aamini karo waxa sidaasi yir wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe.
Dhinaca kale wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in dowladda Puntland kalsooni buuxda ka heshay Beesha Caalamka oo ay u horreeyaan, Mareykanka iyo Ingiriiska, islamarkaana loo aqoonsaday saaxiib dhab ah oo dunida kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.
Beesha Caalamka oo ay ku jiraan, Ingiriiska iyo Mareykanka ,waxay kalsooni buuxda ku qaadeen in Puntland tahay saaxiib dhab ah oo kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah.
Waad arkaysay dorraad buurta halka ugu sarraysa in diyaaradaha Mareykanku ciidamada Puntland Raashin ugu daadinayeen” ayuu sii raaciyay wasiir Caydiid.