Duqaymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan manta ayaa lagu dilay laba qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sheegeen in duqeymo ay ku bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan Xisbullah.
Bayaan ay soo saartay Wakaaladda Wararka Qaranka ee rasmiga ah, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa lagu sheegay in nin ku dhaawacmay “Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil oo lala beegsaday cagaf-cagaftiisa” mid kalena uu ku dhaawacmay weerar lagu qaaday mooto labadooduba waxay ku dhinteen isbitaalka.
Milatariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ciidamadoodu ay “ka takhaluseen … taliye ka tirsan ciidamada Radwan ee Hezbollah” ee aagga Baraasheet, iyaga oo tixraacaya cutubka kooxda ee Iran ay taageerto, iyo hawl-wadeen ka tirsan “xoogga kormeerka Hezbollah.
Israa’iil ayaa si joogta ah u waday duqeymaha ay ku hayso Lubnaan, gaar ahaan koonfurta, tan iyo bishii Nofembar 27-keedii xabbad-joojin la doonayey in lagu soo afjaro colaad muddo sannad ah socotay taasoo ka dhigtay in Hezbollah si aad ah u wiiqanto.
Sida ku cad heshiiska xabbad joojinta, Hezbollah waxay ahayd inay dib ugu celiso dagaalyahanadeeda waqooyiga wabiga Litani, oo 30 kiiloomitir (20 mayl) u jira xudduudda Israel, taasoo ka dhigeysa ciidamada Lubnaan iyo nabad ilaalinta Qaramada Midoobay inay yihiin dhinacyada kaliya ee hubaysan ee aagga.
Israa’iil ayaa looga baahnaa inay si buuxda ciidamadeeda ula baxdo balse waxay ku haysay shan goobood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan oo ay u aragto inay istiraatiiji ah.
Talaadadii, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saddex qof lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday baabuur marayay degmada Nabatiyeh ee koonfurta Lubnaan.
Milatariga Israel ayaa sheegay in ay dileen madaxii shirkad sarifle lacagaha oo la shaqeysay Xisbullah si ay lacagaha ugu xawilaan kooxda ay Iran taageerto ee “dhaqdhaqaaqyada argagixisada.