Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo war-murtiyeed ka soo saaray Shirkii uga socday magaalada Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ah ee dalka.
“Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay isku raaceen in guud ahaan ay waxba kama jiraan tahay wax ka badelka la sheegay in lagu sameeyey Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood u ma lahan wax ka badelka qodobada aasaasiga ah ee Dastuurka ee ah tiirarka dowladnimada heshiiska lagu yahay si waafaqsan Dastuurka lagu heshiiyey Sanadkii 2012, kaas oo ku dhisan heshiis bulsho, waxna looga badeli karo oo kaliya afti dadweyne” ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka.
“Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay ugu baaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu ixtiraamo Dastuurkii lagu heshiiyey 2012kii, illaaliyana midnimada iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed, uuna dhageysto baaqyada ka soo baxaya masuuliyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si loo badbaadiyo dowladnimada Soomaaliya” ayuu sii raaciyay War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ka soo saareen Shirkoodii Garoowe.
Puntland iyo Jubbaland waxay sidoo kale cambaareeyeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siyaasadeyso, kuna takri fasho kaalmada Beesha Caalamka, iyada oo DFS ay mararka qaar u isticmaasho hub siyaasadeed, isku dir iyo kicin bulsho si xasilooni darro looga abuuro Dowladaha xubnaha ka ah DFS, waxaana ay Beesha Caalamka ugu baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo habka loo gaarsiiyo Soomaaliya kaalmada ay bixiso Beesha Caalamka, isla markaasna ay Deeq bixiyaashu toos u la macaamilaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS inta heshiis buuxa laga gaarayo hannaanka qaybsiga khayraadka iyo awoodaha Dalka.