Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa manta gaaray Kyiv si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, xafiiska Duda ayaa sheegay, iyadoo Kyiv ay hiigsaneyso inay taageero ka dhex abuurto xulafada xilli xasaasi ah oo dagaal culus kula jira Ruushka.
Duda, oo ah taageere codkar ah oo Ukraine oo xilku ku eg yahay Agoosto, ayaa waxaa saldhigga tareenka ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Andrii Sybiha, kaasoo hoggaamiyaha Poland ugu yeeray “saaxiibka dhabta ah ee Ukraine.
Ukraine ayaa la tacaalaysa sidii ay isaga difaaci lahayd horumarka uu Ruushku ka samaynayo goobaha dagaalka iyo xoojinta weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsanayo magaalooyinkeeda, iyadoo dedaaladii dublamaasiyadeed ee lagu soo afjarayay dagaalka oo hadda galay sannadkii afraad ay wiiqmeen.
Dhaxalsugaha Duda, madaxweynaha la doortay ee Karol Nawrocki ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu caawiyo dadaalka difaaca Ukraine balse uu ka soo horjeedo in Kyiv uu ku biiro xulafada reer galbeedka sida NATO.