Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay Qof naftii hallige ah, kaasi oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Qarax ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in laamaha amnigu ay hadda wadaan baaritaanno ku saabsan falkaasi argagixiso, isla markaana bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono natiijada baarista marka ay soo dhammaystiranto.
