Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha dalka Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada ee Geeska Afrika.
Sidoo kale, Wasiir Yuusuf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxa African Electronic Trade Group (AeTrade), Mudane Mulualem Syoum, iyadoo kulankaasi lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed si loo horumariyo mustaqbalkooda.
Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac, kaas oo ka shaqeyn doona hirgelinta iskaashiga labada dal.