Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Barre Salaad, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulan muhiim ah oo lagu qiimeynayo tayeynta iyo nadaafadda guud ee degmada Kismaayo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda bilicda magaalada, hagaajinta nadaafadda deegaanka, iyo dhiirigelinta ka qaybgalka bulshada ee arrimaha hormarinta deegaanka.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu hirgelin doono nadaafad guud iyo kor u qaadidda fayo-dhowrka magaalada.
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la yeesho magaalo nadiif ah oo leh jawi caafimaad leh, taas oo gacan ka geysaneysa horumarka nololeed ee bulshada. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay shacabka Kismaayo inay si firfircoon uga qeybqaataan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.
Agasimaha Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo Mudane Farxan Maxamuud Farax ayaa marka u soo idladay Kulanka warbahinta uu sheegay in ay Talabadani tahay Miid logu Hormarinayo Bilicda sido kale Bulshada Reer kismaayo ayaa kula dardaarmay in ay ka shaqeeyan Ariimha Naddafada Ayna ka Fejignadaan Qashiinka wadoyinka ay ku shubayan.