Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah ugu wargeliyay dhammaan Xisbiyada Siyaasadda Puntland in ay qabtaan shirwayneyaashoodii kuna soo doortaan hoggaanka sare ee Xisbiyada (Guddoonka iyo Guddiyada Xisbiyada), muddo sadex (3) bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda qoraalkani soo baxay.
Guddiga PEC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa Xisbiyada Siyaasadda u soo jeediyay in doorashooyinkaasi ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah, loogana gol leeyahay dimoqraadiyeynta hoggaanka Xisbiyada iyo xoojinta isla xisaabtanka gudaha xisbiyada, waxayn sidoo kale Xisbiyada ku wargeliyeen in ay ugu yaraan 14 cisho ka hor guddiga soo ogeysiiyaan doorashadooda iyo goobta ay ka dhacayso.
Guddiga Doorashooyinka Puntland iyagoo ka duulaya qodobka 114-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobka 8-aad, farqadiisa 19-aad ee Xeerka Guddiga Doorashooyinka iyo Dastuurada Xisbiyada Siyaasadda, gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo ilaalinta Hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland arrimaha soo socda:
In Xisbiyada Siyaasaddu ay qabtaan shirwayneyaashii kuna soo doortaan hoggaanka sare ee Xisbiyada (Guddoonka iyo Guddiyada Xisbiyada), muddo sadex (3) bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda qoraalkani soo baxay waana in Doorashooyinkaas ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah, loogana gol leeyahay dimoqraadiyeynta hoggaanka Xisbiyada iyo xoojinta isla xisaabtanka gudaha xisbiyada” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedkaasi.
