Ciidamada difaaca Puntland, oo ay dhinaca cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ayaa saaka jiho kasta ka go’doomiyay tiro horjoogayaal ah oo weli ka nool argagixisadii Daacish, kuwaasi oo ay weheliyaan Haweenkoodii iyo carruurtoodii.
Kooxdan horjoogayaasha ah ee dumarka iyo carruurta wata ayaa ku go’doonsan ceelka Rasaqan oo dhaca degaanka Yucrin, halkaasi oo ah gabbaadkii u danbeeyay oo ay joogaan maxastii iyo ukumihii argagixisada, sidan ka xigannay ilo wareedyo amni oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland.
Go’doominta gabbaadkii u danbeeyay ee madaxda iyo maxasta argagixisadu ku dhuumanayeen ayaa ka dhigan in kooxdaasi ku jirto maalmihii u danbeeyay ee jiritaankooda, islamarkaana si dhammaystiran loo burburiyay, waxaana la filaya in dhawaan la soo afjaro guud ahaan firxadkooda.