Dowladda Puntland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo Al-shabaab, si aysan magaalada Muqdisho u qabsan kooxdaasi.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh uu heshiis la galay kooxda Al-shabaab, kaddib markii uu ku fashilmay dagaalkii argagixisada, islamarkaana ciidan ahaan loo jebiyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo degaanno badan laga qabsaday.
Xassan Shiikh maadama uu ku fashilmay dagaalkii Alshabaab ee koonfurta dalka ka dibna uu la heshiiyey Alshabaab, wuxuu go’aansadey in uu ka hortago dagaalka Puntland ku qaadeyso Shabaabka ku jira Buurta Calmadoow ee Gobalka Sanaag, balse kuma uu guulaysandoono dagaalkuu ku soo qaadey deegaanada nabadda ah ee Puntland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.
Xogta ku saabsan in heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo Al-shabaab, waxa horay u sheegay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Puntland, waxaana soo xigtay qaar kamid ah warbaahinta Caalamiga ah, balse labada dhinac ee DFS iyo AS midna ma beenin.