Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo, Mudane Cabdiciisi Xareed, ayaa si adag uga digay dadka ku howlan falalka la xiriira boobka dhulka danta guud ee degmada Baladxaawo.
Wuxuu caddeeyay in maamulka degmada uu tallaabo sharci ah ka qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay si sharci-darro ah u dhisato dhulka danta guud ee loogu talagalay adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa amray in si degdeg ah loo joojiyo dhismaha ka socda dhulka kaalinta shidaalka ee dowladda, kaas oo ku yaalla gudaha degmada Baladxaawo.
