Markab xamuul ah oo laga shakiyay ayaa taagan nawaaxiga xeebta degmada Bareeda ee gobolka Raas Casayr, halkaasi oo horay looga soo qabtay markabkii hubka siday ee Sea World.
Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka degmada Bareeda oo lagu magacaabo, Cumar Qariib ayaa laga soo xigtay in markab xamuul ah oo laga shakisan yahay uu mudda laba cisho ah taagan yahay xeebta degmada Bareeda, islamarkaana Puntland u diyaar-garoobayso hawlgalkii lagu soo qaban lahaa.
Markab kale oo laga shakiyay ayaa taagan xeebaha degmada Bareeda, waa markab xamuul ah oo ay isku nooc yihiin markabkii hore loo qabtay, waxaana uu ku gooshayaa calankii uu sitay kii hubka lagu qabtay, waana loo diyaar garoobay in isna jawaab laga bixiyo ilaa berri insha Allah” ayuu yiri xildhibaan Cumar Qariib oo ka tirsan golaha degaanka Bareeda.
Sidoo kale, saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan markabka labaad ee laga shakiyay in uu hubka sido, kaasi oo weli taagan xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas Casyar, waxaana ay sheegeen in xogtiisa dib laga faahfaahin doono.