Taliyihii saldhiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal X/le Axmed Abshir Soonde ayuu xalay saldhiga degmadaasi ku dhaawacay askari ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana la sheegay in falkaasi dhacay saqdii dhexe.
Sarkaal ku sugan degmada Eyl ayaa laga soo xigtay in taliye Axmed Soonde oo gudaha saldhiga hurday uu qori ula galay askari ka tirsan Booliska, islamarkaana uu rasaas kala dhacay labada lugood, kaddibna goobta isaga baxsaday oo aan weli gacanta lagu dhigin.
Dhaawaca taliye Soonde oo markiiba dhaqtar loola cararay ayaa la xaqiijiyay in uu lug ka jaban yahay, waxaana dhaawaciisa loo sii gudbiyay magaalada Garoowe, halkaasi oo hadda lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad, sidan ka xigannay sarkaal boolis ah.
Ilaa iyo haatan xog sugan lagama helin sababta ku kalliftay askariga falka uu sameeyo, waxaana socda hawlgal lagu baadi-goobayo eedaysanaha, maadaama uu goobta ka baxsaday, si loogu sameeyo baaritaan, kadibna loo gudbiyo sharciga.