Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Maraykanka
Ee Soomaaliya Ambassador Larry Andre.
Shirka Labada Mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soo saarka Beeraha Soomaaliya,
Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya ayaa Sheegay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca wax soo saarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.