Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda 21-ka November awgeed waxa uu hambalyo u diray dhammaan macalimiinta iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed kaalintii ay ka geysteen barbaarinta ubadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadaalkii ay ku bixiyeen aqoon gaarsiinta Bulshada Soomaaliyeed guud ahaanteeda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu xusay in macalimiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan daruufo adag islamarkaana aan helin dhaqaale ku filan oo ay noloshooda ku mareeyaan
Wuxuuna ku bogaadiyay badbaadinta ubadka iyo kobcinta aqoonta bulshada Soomaaliyeed inay halkooda ka sii wadaan..
“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, macallimiinta Soomaaliyeed la qaybsanayaa farxadda xuska maalintan qiimaha weyn ee 21-kaNovember,macallimiinta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka qaateen garab istaaga bulshada xili dalkeena Ku jiray burbur iyo colaad sokeeye,waxayna qaateen kaalintooda kaga aadan horumarinta waxbarashada,maanta oo kale macallimiinta Soomaaliyeed waxay ku suntan yihiin dadaalkii joogtada ahaa oo ay ubadka Soomaaliyeed ku bixiyeen”ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa macalimiinta ku dhiira geliyay in aanu marna ka caajisin barbaarinta ubadka Soomaaliyeed isagoona kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan ka mira dhalinta doorkooda ku aadan badbaadinta bulshada,