Maxamed Cabdilaahi Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo Oo safar shaqo ku joogga dalka keynya ayaa waxay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Waaxda Ilaalinta Duur-joogta ee dalka Kenya.
Waxay ka wadahadleen Wafdiga Somaliland iyo saraakiisha Kenya muhiimadda ay leedahay ilaalinta duur-joogta iyo hababka ugu wanaagsan ee loo ilaaliyo duur-joogta kuwaas oo Somaliland ay dooneyso inay ka barato Kenya.
Kulanka kadib Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland iyo wafdigiisa waxay booqasho gaar ah ku tageen qaar ka mida ah seerayaasha ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo duur-joogta kuwaas oo ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta dalka Kenya.
saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Agaasimaha Guud iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku joogay dalkaasi waxaana sidoo kale safarka ku wehlinayay xubno ka socda Wasaaradda Deegaanka, Garsoorka, Barlamaanka iyo Hay’adda CCF.