Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowlad gobolleedka puntland ayaa xalay kulan la yeeshay Guddiga Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad. wuxuuna kala hadlay dhameystirtka wejiyada kale ee dhismaha Dekadda iyo horumarinteeda, Maalgashiga lagu sameeyo deegaanka Garacad, howlgelinta dekedda, adkaynta Nabadgalyada, dardargelinta iyo u diyaargarowga Doorashada golayaasha deegaanka ee soo socota, iyo warbixin ku saabsan qiimeynta iyo qorshaha Dhismaha Wadada Isku xirta Garacad iyo Galdogob.
Mas’uuliyiinta Guddiga Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad ayaa dhankooda madaxweynaha u sheegay inay si wanaagsan u sii dhameystiri doonaan wejiyada kale ee dhismaha Dekadda iyo horumarinteeda,