Ugu yaraan sideed falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay shalay oo toogasho ka dhacday meel u dhow goobaha cuntada lagu qaybiyo ee Israa’iil iyo Maraykanku ku taageero marinka Qaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Goob joogayaal ayaa eedeyn u jeediyay militariga Israa’iil, kuwaas oo aan weli ka hadlin.
Goob jogayasha ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen subaxnimadii hore ee saakay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo quus ah oo u socday laba goobood oo gargaar ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Rafah.
Khubarada iyo shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in xannibaadda bilaha ah ee Israa’iil iyo ololaha millatari ay sababtay gaajo baahsan oo ay kor u qaadday khatarta macaluul dadka garaya 2 milyan in ka badan.
Inta badan waxay ku tiirsan yihiin gargaarka caalamiga ah sababtoo ah weerarku wuxuu burburiyay dhammaan awooddii Gaza ee soo saarista cuntada.
Dagaalka Qaza waxa uu socdaa in ka badan 20 bilood ka dib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, kaas oo dhaliyay dhacdooyin taxane ah oo gacan ka gaystay weerarkii lama filaanka ahaa ee Israel ku qaaday Iran Jimcihii kazoo wali xisadiisa tagantahay.