Doorashadii xiriirka kubadda cagta Puntland oo habeenimadii xalay loo balansanaa inay qabsoonto ayaa dib u dhacday, kadib markii uu buuxsami waayey kooramkii xubnaha codbixiyayaasha ah ee ka socda kooxaha kala duwan ee ka dhisan Puntland.
Goobta doorashada ayaa waxaa soo xaadiray laba musharax oo ah guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen isku sidkan & 8 wakiil oo codbixiyayaal ah, iyadoo ay maqan naayeen laba musharax iyo 7 wakiil.
Guddiga doorashada xiriirka kubadda cagta Puntland oo ay hareer joogto wasiiradda ciyaaraha Puntland Hodon Siciid ayaa ku dhawaaqay in doorashada markale caawa dib loogu dhigay, iyagoo ka dalbaday xubnaha codbixiyayaasha ah inay goobta soo xaadiraan.
Dhanka kalena, guddoomiyihii hore ee xiriirka Maxamed Ciiro ayaa ku eedeeyey Mas’uuliyiinta inay faragelin ku samaysay doorashada ayna bedeshey xubnihii ka socdey kooxaha, si meesha loo keeno musharixiin ay wataan, sida uu hadalka u dhigay.
Edeynta gudomiyihii hor uu jediyay ayaa umuqata miday kagabsanayaan madaxda lama ogase sida ay kudhamankarto dorashada iyo natijadeeda madama uu jiro khilaaf iyo is qab qabsi dhinacyo kaladuwan ah.