Boliska Britain ayaa kooxda ol’olaha Falastiin ka mamnuucay inay bannaanka baarlamaanka ka dhigaan dibad bax, tallaabo naadir ah oo timid ka dib markii laba ka mid ah xubnahooda ay jabsadeen saldhig milatari usbuucii hore iyo iyadoo dowladdu ay ka fiirsaneyso inay mamnuucdo ururka.
Kooxda ayaa sheegtay in ay ka jawaabtay in ay u bedeshay goobtii ay ku mudaaharaadaysay manta una bedeshay fagaarayasha,taas oo ku taal meel ka baxsan aagga booliska laga saaray.
Ururka taageersan Falastiin ayaa ka mid ah kooxaha sida joogtada ah u bartilmaameedsada shirkadaha difaaca iyo shirkadaha kale ee Britain ee lala xiriirinayo Israa’iil tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka Gaza.Warbaahinta Britain ayaa sheegtay in dowladdu ay ka fiirsaneyso inay mamnuucdo, ama si wax ku ool ah u mamnuucdo, Falstiin Action, sida urur argagixiso, taasoo ka dhigaysa mid la mid ah Al-Qaacida ama ISIS.
Booliska Magaalada London ayaa sheegay goor dambe oo Axadii in ay soo rogi doonaan aag ka saarida mudaaharaad ay qorsheysay falastiin Action oo ka baxsan aqalka baarlamaanka – oo ah goob caan ah oo lagu qabto mudaaharaadyo lagu taageerayo sababo kala duwan.”Xuquuqda mudaaharaadku waa lama huraan, mar walbana waanu difaaci doonnaa, laakiin ficillada lagu taageerayo kooxdan oo kale waxay dhaafsiisan yihiin waxa ay badi u arki karaan mudaaharaad sharci ah,” ayuu yidhi Taliyaha Biliska Mark Rowley.
Waxaanu u soo bandhignay dawladda qaabka hawl-gal ee ay kaga fikirayaan in kooxdan la soo saaro.Wasiirka arrimaha gudaha Yvette Cooper ayaa bayaan ka jeedin doona baarlamaanka gelinka dambe ee manta , wasiirka maaliyadda Rachel Reeves ayaa u sheegtay suxufiyiinta isniintii, markii wax laga waydiiyay kooxda.Xubnaha Palestine Action ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen malaayiin gini oo dambiyo ah, ay ku weerareen sarkaal booliis ah bistoolad iyo, dhacdadii usbuucii hore, ay waxyeeleeyeen laba diyaaradood oo milatari, Rowley ayaa raaciyay.