Maamulka puntland ee gobolka mudug ayaa digniin xooggan ka soo saaray xanuunka Gawracatada oo ku faafaya deegaamo katrisan gobolka mudug, iyadoon bulshada loogu baaqay inay carruurta geeyaan goobaha tallaalka.
Maamulka Gobolka Mudug wuxuu ka digayaa faafidda cudurka gawracatada ee si xowli ah ugu faafaya caruurta gobolka, taas oo sababtay dhimashooyin dhowr ah.
Laga bilaabo June 28, 2025, waxaa si ku-meelgaar ah loo joojinayaa isu imaatinka caruurta aan qaadan talaalka gawracatada goobaha iyagoo ka qaadan doona goobaha kala ah.
• Dugsiyada Quraanka
• Iskuullada
• Garoomada ciyaaraha.
Waalidiinta, macalimiinta iyo ganacsatada waxaa lagu wargelinayaa in la qaato tallaabooyin lagaga hortegayo cudurkan halista ah iyo Go’aanka Maamulka Gobolka.
